February 23, 2022

Day

Jaamacadda SIU ayaa maanta ka qeybgashay munaasabad dib loogu furayey qeybta dhallaanka ee Isbitaalka Banaadir. Jaamacadda SIU ayaa ka mid ahayd jaamacadihi gacanta ka geystay dib-ufurista qeybta dhallaanka Isbitaalka Banaadir, waxaana maanta lagguddoonsiiyey shahaado sharaf.
Read More
Waxaa si nabad ah Jaamacadda Mbarara University of Sciences and Technology ee dalka Uganda ku gaaray ardaydii kulliyadda Qalliinka iyo Daawaynta ee sannadkan u baxday waxbarasho iswaydaarsiga (Academic Exchange Program). Waxaa ardayda soodhowayn u sameeyay hormuudka kulliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Mbarara. Ardayda ayaa waxay si toos ah u billaabayaan waxbarashadii ay u tageen. Barnaamijka waxbarasho...
Read More
Waxaa maanta munaasabad kooban oo sagootin ah loo sameeyay shan iyo toban arday oo ka mid ah kulliyadda Daaweynta iyo Qalliinka (Medicine & Surgery) oo safar waxbarasho isdhaafsi ah u aaday Jaamacadda Mbarara University of Sciences & Technology ee dalka Uganda. Guddoonka Jaamacadda oo uu horkacayo guddoomiye Maxamed Yuusuf Sheekh Cumar ayaa hadallo dardaaran ah...
Read More
Waxaa si nabad ah kusoo idlaaday Toddobaadka Dhaqanka Jaamacadda SIU oo sannad walba Jaamacaddu ay u qabato ardayda dhigata. Sannadkan waxaa Toddobaadka Dhaqanka kasoo qeybgalay saddex kulliyadood oo kala ah: Kulliyadda Siyaasadda iyo Culuumta BulshadaKulliyadda Dhaqaalaha iyo GanacsigaKulliyadda Injinneeriyada iyo Culuumta Tiknolojiyada Dhammaan kulliyadaha tartamay waxay soo bandhigeen dhaqan aad u qurux badan oo ay...
Read More
Soodhowaynta ardayda cusub ayaa waxaa kasoo qaybgalay maamulka sare ee Jaamacadda, hormuudyada kasmooyinka kala duwan ee Jaamacadda, midowga ardayda iyo marti Sharaf ay ka midyihiin waaliddiin. Waxaa ardayda cusub lala wadaagay macluumaad kusaabsan siyaasadaha Jaamacadda ee waxbarashada iyo weliba in ay bartaan hormuudyada madaxda ka ah kasmooyinka kala duwan ee ay jaamacadda ka doorteen. Sidoo...
Read More
Heshiiskan oo ay goobjoog ka ahayeen Agaasimaha Waaxda Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare XFS, Agaasimaha Howlaha Guud ee maamulka gobolka Banaadir, Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Maamulka Jaamacadda SIU iyo Maamulka Machadka Horumarinta Farsamada Gacanta ee Xayle Bariise ayaa kadhacay gudaha machadka Xayle Bariise ee magaalada Muqdisho. Qodobbada heshiiska waxaa ka mid ahaa...
Read More
JAAMACADDA SIU WAXA AY HAMBALYO DIIRRAN U DIRAYSAA ARDAYDA MAANTA KAQALINJEBISAY JAAMACADDA CLASS OF 2021 IYO WAALLIDDIINTI KUSOO DADAASHAY. SIDOO KALE JAAMACADDU WAXAY U MAHADCELINEYSAA MADAXDA HEER QARAN IYO MARTISHARAFTA HEERARKA KALA DUWAN LEH EE KASOO QEYBGASHAY XAFLADDA EE WAQTIGOODA QAALIGA AH NOOSOO HURAY. WAXAA KA GO’AN JAAMACADDA SIU IN AY SII LABAJIBBAARTO DADAALKA AY...
Read More
SHARAF AYEY U TAHAY JAAMACADDA SIU IN AY KA MID NOQOTAY AFARTA JAAMACADOOD EE UGU WANAAGSAN DALKA DHANKA CULUUMTA INJINNEERIYADA IYO TIKNOLOJIYADA. HAMBALYO SIU FAMILY
Read More
Xarunta Maamulka Jaamacadda SIU waxaa maanta soo booqday Mudane Badri Xuseen Sandhool, uqeybsanaha Waaxda Waxbarashada iyo Dhaqanka ee safaaradda Soomaaliya ee dalka Malaysia. Masuuliyiin katirsan Maamulka Sare ee Jaamacadda ayaa soo dhoweeyey mudanaha, waxayna kawada hadleen habsami-usocodka howlaha waxbarasho ee Jaamacadda iyo xaaladda guud ee ardayda SIU ee kusugan dalka Malaysia.
Read More
Shirki 10-aad ee Somali Research & Education Network (SomaliREN) oo kasocda magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad-Deegaanka Soomaalida waxaa Jaamacadda SIU uga qeybgelaya Ustaad Shaafici Diiriye Cabdi, Guddoomiyekuxigeenka Waaxda Cilmibaarista iyo Horumarinta.
Read More
1 2