February 2022

Month

Madaxa Waaxda Caafimaadka Bulshada (Public Health Department) mudane Mustaf Macallin Maxamed Cabdi iyo macallimiin kale oo ka mid Kulliyadda Culuumta Caafimaadka Jaamacadda SIU ayaa maanta Muqdisho kaga qeybgalay Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Caafimaadka Dhimirka oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS iyo hay’ado kale daneeya howlahaasi.
Read More
Magaalada Garoowe ee caasimadda Maamulka Puntland waxaa gaaray wafdi kasocda Jaamacadda SIU. Ustaad Axmed Sheekh Cali Axmed (Saabbir) iyo Dr. Cabdifataax Maxamed Axmed (Ceynte) oo kasocda Jaamacadda SIU ayaa ka qeybgelaya Shirki Koowaad ee Cilmibaarista Caafimaadka oo uu soo agaasimay Machadka Caafimaadka Qaranka oo kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS. Ustaad Saabbir ayaa berri...
Read More
Kulliyadda Daaweynta iyo Qalliimada (Medicine and Surgery) ee Jaamacadda SIU ayaa maanta Imtixaanka OSCE-ka kaga qaadday Isbitaalka Deyniile ardayda kujirta sannadka 4-aad iyo sannadka 5-aad ee waxbarashada Jaamacadda. Waxaa imtixaanka qaadeysay dhakhaatiir isugu jirta gudaha iyo dibedda Jaamacadda, waxaana maanta ardayda imtixaanka lagaga qaaday qeybta Qalliinka (Surgery). Imtixaanka maanta ayaa ahaa mid ka duwan kuwii...
Read More
Salwo Cabdicasiis oo ka mid ah ardayda dhigata Jaamacadda SIU ayaa heshay abaalmarin isugu jirta in laga bixiyo dhammaan lacagta Jaamacadda iyo Computer labtop ah. Salwo ayaa abaalmarinta kaheshay Abshir Aadan Feero oo ah Musharax Madaxweyne. Abaalmarinta ayaa timid kaddib markii ay Salwo gaari dadweyne (PL) dhexdiisa kaheshay Telephone Iphone 12 Pro ah kaddibna ay...
Read More
Waxaa si nabad ah noogu soo idlaatay madal (forum) ay Jaamacadda SIU galabta ku qabatay magaalada Muqdisho. Madashan oo ah mid sannadle ah ayaa hadba waxaa diiradda lagu saaraa xaaladaha markaas dalka kajira, waxaana sannadkan looga hadlay xaaladda ABAARAHA. Waxaa marti ku ahaa aqoonyahan ku xeeldheer culuumta beeraha iyo deegaanka oo kala ah: Prof. Cabdi...
Read More
Jaamacadda SIU ayaa boooqatay Xarunta Maama Ugaaso (Mama Ugaaso Foundation) oo ah xarun lagu daryeelo carruur isugu jirta agoon, rajooyin iyo kuwo duruufo kale qaba, waxayna gaarsiisay kaalmo ay ugu talaggashay in ubadkaasi Soomaaliyeed ee xaruntu ay gacanta kuheyso lagu daryeelo. Siraad Maxamed Nuur (Maama Ugaaso) oo ah aasaasaha xaruntan ayaa sheegtay in ay gacanta...
Read More
Xubno ka socda Jaamacadda ayaa ka qaybgalaya shirka Machadka Heritage ee ka socda dalka Jabuuti. Shirka ayaa ku saabsan xal u helidda xasaradaha ka jira Geeska Afrika.
Read More
Waxaa barnaamijkan iska kaashaday: Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFSWaaxda Caafimaadka ee Maamulka Gobolka BanaadirJaamacadda SIUIsbitaalka Kalkaal Waxaa munaasabadda furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS Dr. Cabdinaasir Ibraahim Mukhtaar, waxaana kusugan madax kala duwan.
Read More
Waxaa farxad u ah Jaamacadda SIU in ay qeyb ka ahayd cilmibaaris kusaabsan COVID iyo Caafimaadka Maskaxda oo cinwaankeedu yahay β€œSaamaynta Caafimaadka Maskaxda ee COVID-19 ee shaqaalaha daryeelka caafimaadka ee waddamada Eastern Mediterranean Region. Mashruuca cilmibaaristaas waxaa maalgelisay Eastern Mediterranean public Health Network, waxaana daraasadda lagu wareystay 1448 shaqaale caafimaad oo ka kala yimid sagaal...
Read More
Jaamacadda SIU ayaa maanta ka qeybgashay munaasabad dib loogu furayey qeybta dhallaanka ee Isbitaalka Banaadir. Jaamacadda SIU ayaa ka mid ahayd jaamacadihi gacanta ka geystay dib-ufurista qeybta dhallaanka Isbitaalka Banaadir, waxaana maanta lagguddoonsiiyey shahaado sharaf.
Read More
1 2 3 4