April 10, 2022

Day

Ardayda Kulliyadda Waxbarashada ee Jaamacadda SIU ayaa maanta dooratay hoggaan cusub.Doorasho maanta ka qabsoontay Xarunta Dhexe ee Jaamacadda SIU ayey ardayda kulliyaddu ku doorteen guddoomiye, waxaana xilkaas loo doortay mudane ๐‚๐š๐ฅ๐ข ๐ƒ๐š๐š๐ก๐ข๐ซ ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐.Hoolka doorashada waxaa ku sugnaa maamulka kuliyadda, maamulka Xafiiska Arrimaha Ardayda, maamulka Xafiiska Midowga Ardayda Jaamacadda SIU iyo masuuliyiin kale.
Read More
Xarunta Maamulka Jaamacadda SIU waxaa maanta ka qabsoomay tababbar loo sameynayey ardayda barata Waaxda Caafimaadka Bulshada (Public Health Department).Ciwaanka ay ardaydani qaadanayeen ayaa ahaa DHOWRIDDA NADAAFADDA BIYAHA IYO BEDQABKOODA, waxaana soojeedinayey mudane Cabdirasaaq Maxamuud Yuusuf oo bartay culuumtaasi kana mid ah Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS.
Read More
Ardayda Kulliyadda Culuumta Beeraha iyo Deegaanka ee Jaamacadda SIU ayaa maanta dooratay hoggaan cusub.Doorasho maanta ka qabsoontay Xarunta Maamulka Jaamacadda SIU ayey ardayda kulliyaddu ku doorteen guddoomiye, waxaana xilkaas loo doortay mudane ๐‚๐ฎ๐ฌ๐ฆ๐š๐š๐ง ๐’๐ฎ๐ฅ๐ž๐ฒ๐ฆ๐š๐š๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง.Hoolka doorashada waxaa ku sugnaa maamulka kuliyadda, maamulka Xafiiska Arrimaha Ardayda iyo maamulka Xafiiska Midowga Ardayda Jaamacadda SIU.
Read More