Munaasabadda Daahfurka Toddobaadka Wacyigelinta Ardayda ee Coronavirus

Munaasabadda Daahfurka Toddobaadka Wacyigelinta Ardayda ee Coronavirus ayaa maanta oo Isniin ah 09/03/2020 kadhacday Xarunta Maamulka Jaamacadda SIU.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS Xildhibaan Maxamed Saciid Cabdullaahi ayaa daahfuray toddobaad wacyigelin ah oo kusaabsan Cudurka Coronavirus oo ay soo agaasimeen Kulliyadda Caafimaadka, Kulliyadda Medicine-ka iyo Midowga Ardayda Jaamacadda.

Munaasabadda Daahfurka waxaa kasoo qeybgalay Culimo, Dhakhaatiir, Maamulka Jaamacadda, Masuuliyiin kasocotay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada iyo qeybo kale oo Ururrada Bulshada katirsan.