GABAGGABADA SHIRKA CILMIBAARISTA SANNADLAHA AH EE JAAMACADDA SIU.

Waxaa jawi nabdoon kusoo idlaaday Shirka Cilmibaarista Sannadlaha ah ee Jaamacadda SIU oo socday 22-23/06/2021.
Shirka waxaa kasoo qeybgalay cilmibaarayaal soo bandhigay daraasado kala duwan oo ay sameeyeen, waxaana loo kala qeybiyey afar waaxood oo kala ah:

  1. Waaxda Caafimaadka
  2. Waaxda Injinneeriyada iyo Tiknolojiyada
  3. Waaxda Waxbarashada iyo Culuumta Bulshada
  4. Waaxda Beeraha
    Waxaa shirka kasoo qeybgashay marti sharaf ka kala socota qeybaha bulshada oo soo dhoweysay qaabka shirku u dhacay iyo culuumti uu xambaarsanaa.
    Siihayaha Xafiiska Guddoomiyaha Jaamacadda SIU ahna Guddoomiyekuxigeenka Waaxda Waxbarashada iyo Arrimaha Ardayda Mudane Maxamed Yuusuf Sheekh Cumar oo shirka soo xiray ayaa yiri, “Shirkani waa mid sannadle ah, waxaana naga go’an in baris iyo cashar arday uu qaato keliya aanay shaqada Jaamacaddu noqonnin balse aannu gudanno masuuliyadda bulsho ee nasaaran, si wax cusub loo helo dhibaatooyinka jirana loo xalliyo waa in cilmibaarista lagu dadaalo.”
    Marka laga yimaaddo hantida ay Jaamacaddu ku bixisay qabsoomidda shirkan waxaa sidoo kale gacan weyn naga siiyey taabbaggeliyayaasha kala ah Hormuud Telecom iyo Signjet oo bixiyey qeybo ka mid ah kharashaadka shirka ku baxay, si gaar ah ayeyna Jaamacaddu ugu mahadcelineysaa.
    Maamulka Jaamacadda SIU wuxuu u mahadcelinayaa cid walba oo gacan ka geysatay qabsoomidda shirkan sannadlaha ah iyo sidoo kale kasoo qeybgalayaasha sharafta badan ee waqtiga dheer fadhiyey si ay noola wadaagaan aragtidooda.