Maamulka Jaamacadda Bariga Afrika ayaa si diirran usoo dhoweeyay masuuliyiinta kasocota Jaamacadda SIU

Agaasimayaasha Xafiisyada Shaqacarbinta (Internship Office) iyo Diiwaangelinta (Admissions Office) ee Jaamacadda SIU, Dr. Cabdifataax Maxamed Axmed (Ceynte) iyo Mr. Axmed Sheekh Cali Axmed (Saabbir), ayaa booqasho kutegay Xarunta Jaamacadda Bariga Afrika (East Africa University) ee magaalada Garoowe.Maamulka Jaamacadda Bariga Afrika ayaa si diirran usoo dhoweeyay masuuliyiinta kasocota Jaamacadda SIU, waxay kawada hadleen howlo muhiim u ah labada dhinacba.