Tababbar Muddo Labo Toddobaad ah U Socday Ayaa Usoo Xirmay Ardayda Kulliyadda Injinneeriyada iyo Culuumta Tiknolojiyada Gaar ahaan Qeybta Kujirta Sannadka ugu Dambeeya ee Waxbarashada

Ardayda Kulliyadda Injinneeriyada iyo Culuumta Tiknolojiyada gaar ahaan qeybta kujirta sannadka ugu dambeeya ee waxbarashada Jaamacadda ayuu usoo xirmay tababbar muddo labo toddobaad ah u socday.Tababbarkan oo ahaa mid xirfadda ardayda sare loogu qaadayey ayey ku barteen MATLAB, waxaana soojeedinayey Eng. Cabdishakuur Cabdullaahi oo ka mid ah barayaasha kulliyadda, waxaana inta uu barnaamijkani socday kormeer kusoo sameeyay qaabka ay wax usocdaan guddoomiyaha Jaamacadda iyo maamulka kulliyadda.