Doorashada Hoggaanka Midowga Ardayda Jaamacadda SIU

Waxaa si nabad ah noogusoo idlaatay doorashada Hoggaanka Midowga Ardayda Jaamacadda SIU oo ay sannadkan xilka guddoomiyaha ku tartamayeen labada musharrax ee kala ah:1. Mudane Cali Cabdi Maxamuud iyo2. Mudane Shaafici Maxamuud Cali.Doorasho qof iyo cod ah oo ka qabsoontay maanta dhammaan xarumaha Jaamacadda SIU waxaa codeysay arday dhan 1476 arday. Waxaa hallowday 9 cod. Musharrax guddoomiye Shaafici Maxamuud Cali wuxuu helay 631 cod oo u dhiganta 43.01% halka musharrax guddoomiye Cali Cabdi Maxamuud uu helay 836 cod oo u dhiganta 56.99%, waxaana xilka guddoomiyaha ku guuleystay Mudane Cali Cabdi Maxamuud (Caweeye) oo noqonaya guddoomiyaha toddobaad ee Midowga Ardayda Jaamacadda SIU.Hambalyo ayaan leenahay hoggaanka cusub.