Tababbar loo sameyey ardayda barata Waaxda Caafimaadka Bulshada (Public Health Department).

Xarunta Maamulka Jaamacadda SIU waxaa maanta ka qabsoomay tababbar loo sameynayey ardayda barata Waaxda Caafimaadka Bulshada (Public Health Department).Ciwaanka ay ardaydani qaadanayeen ayaa ahaa DHOWRIDDA NADAAFADDA BIYAHA IYO BEDQABKOODA, waxaana soojeedinayey mudane Cabdirasaaq Maxamuud Yuusuf oo bartay culuumtaasi kana mid ah Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS.