Danjire Daahir Maxamuud Geelle oo khudbad guud (public lecture) u jeediyey Ardayda Jaamacadda SIU.

Danjire Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ahaa musharrixiinta xilka madaxtinnimada dalka ayaa maanta cashar kusaabsan Sooyaalka Siyaasadda Soomaaliya siiyay Ardayda Kulliyadda Siyaasadda iyo Culuumta Bulshada ee Jaamacadda SIU.Marki uusoo idlaaday casharka ayey ardaydu su’aalo badan ka weyddiiyeen duruufaha ku xeeran Sooyaalka Siyaasadda Soomaaliya, wuxuuna mid mid u dul istaagay su’aalaha ardayda.Guddoomiyakuxigeenka Waaxda Cilmibaarista iyo Horumarinta Jaamacadda SIU, ustaad Shaafici Diiriye Cabdi, oo ku hadlayey magaca Jaamacadda ayaa uga mahadceliyey masuulka sida hagar la’aanta ah ee uu ardayda Soomaaliyeed ula wadaagay aqoontiisa iyo waaya-aragnidasiisa dhanka siyaasadda dalka.