Waxaa si nabad ah kusoo idlaaday Toddobaadka Dhaqanka Jaamacadda SIU oo sannad walba Jaamacaddu ay u qabato ardayda dhigata.
Sannadkan waxaa Toddobaadka Dhaqanka kasoo qeybgalay saddex kulliyadood oo kala ah:
- Kulliyadda Siyaasadda iyo Culuumta Bulshada
- Kulliyadda Dhaqaalaha iyo Ganacsiga
- Kulliyadda Injinneeriyada iyo Culuumta Tiknolojiyada
Dhammaan kulliyadaha tartamay waxay soo bandhigeen dhaqan aad u qurux badan oo ay ladhaceen dadki daawanayey, waxaana sannadkan Kaalinta Koowaad ku guuleysatay Kulliyadda Siyaasadda iyo Culuumta Bulshada oo noqotay horyaalka kulliyadaha. Kaalinta Labaad waxaa ku guuleysatay Kulliyadda Ganacsiga iyo Dhaqaalaha halka Kaalinta Saddexaadna ay ku guuleysatay Kulliyadda Injinneeriyada iyo Culuumta Tiknolojiyada.
Guddi kasocda Golaha Abwaannada Soomaaliyeed (GAS) ayaa garsoorayaal ka ahaa Toddobaadka Dhaqanka Jaamacadda kuwaas oo kala ah: - Abwaan Salaad Cabdulle Caadle
- Abwaan Barre Maxamed Fiidow (Leento)
- Abwaan Maxamuud Xaaji Maxamed Yarow (Tarash)
- Abwaan Khaliif Axmed Cilmi
Sidoo kale Toddobaadka Dhaqanka waxaa sannadkan kasoo qeybgalay dad badan oo ka kala socday qeybaha bulshada iyo maamulka Jaamacadda.
Jaamacadda SIU waxay u hambalyeyneysaa dhammaan ardaydi dadaashay ee bandhigga wanaagsan sameysay, waxayna si gaar ah ugu hambalyeyneysaa Kulliyadda Siyaasadda iyo Culuumta Bulshada oo sannadkan noqotay horyaalka dhaqanka.
Waxay Jaamacaddu u mahadcelineysaa dhammaan kasoo qeybgalayaasha iyo qof walba oo kaalin kaqaatay qabsoomidda Toddobaadka Dhaqanka, waxayna si gaar ah ugu mahadcelineysaa Golaha Abwaannada Soomaaliyeed (GAS) oo marwalba diyaar u ah in ay aqoontooda dhanka dhaqanka uga faa’iideeyaan ubadka Soomaaliyeed.