JaamAacadda SIU Waxa Ay Kaqeybgashay Shirka Koowaad ee Cilmibaarista Caafimaadka Qaranka.

Ustaad Axmed Sheekh Cali Axmed (Saabbir) oo kusugan Shirka Koowaad ee Cilmibaarista Caafimaadka Qaranka oo kasocda magaalada Garoowe ayaa halkaas kasoojeediyay daraasad laxiriirta Aqoonta Howlwadeennada Caafimaadku ay u leeyihiin kahortagga Cudurka Cagaarshowga.
Shirkan oo maalmihi ugu dambeeyay kasocday halkaas ayaa waxaa soo agaasimay Machadka Caafimaadka Qaranka oo kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS.