Jaamacadda SIU ayaa boooqatay Xarunta (Mama Ugaaso Foundation)

Jaamacadda SIU ayaa boooqatay Xarunta Maama Ugaaso (Mama Ugaaso Foundation) oo ah xarun lagu daryeelo carruur isugu jirta agoon, rajooyin iyo kuwo duruufo kale qaba, waxayna gaarsiisay kaalmo ay ugu talaggashay in ubadkaasi Soomaaliyeed ee xaruntu ay gacanta kuheyso lagu daryeelo.
Siraad Maxamed Nuur (Maama Ugaaso) oo ah aasaasaha xaruntan ayaa sheegtay in ay gacanta kuhayaan carruur yaryar oo isugu jirta agoon, rajooyin iyo kuwo duruufo kale oo nololeed qaba, ayna u baahanyihiin garab-istaag iyo dhiirriggelin. Maama Ugaaso ayaa Jaamacadda SIU uga mahadcelisay kaalmada ay soo vaarsiisey xarunta ee ay ugu talaggashay ubadkaasi Soomaaliyeed.