Jaamacadda SIU ayaa maanta Muqdisho kaga qeybgalay Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Caafimaadka Dhimirka

Madaxa Waaxda Caafimaadka Bulshada (Public Health Department) mudane Mustaf Macallin Maxamed Cabdi iyo macallimiin kale oo ka mid Kulliyadda Culuumta Caafimaadka Jaamacadda SIU ayaa maanta Muqdisho kaga qeybgalay Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Caafimaadka Dhimirka oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS iyo hay’ado kale daneeya howlahaasi.