Jaamacadda SIU iyo Machadka Horumarinta Farsamada Gacanta ee Xayle Bariise oo Heshiis Iskaashi Wada saxiixday.

Heshiiskan oo ay goobjoog ka ahayeen Agaasimaha Waaxda Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare XFS, Agaasimaha Howlaha Guud ee maamulka gobolka Banaadir, Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Maamulka Jaamacadda SIU iyo Maamulka Machadka Horumarinta Farsamada Gacanta ee Xayle Bariise ayaa kadhacay gudaha machadka Xayle Bariise ee magaalada Muqdisho.
Qodobbada heshiiska waxaa ka mid ahaa in ardayda kulliyadda injinneeriyada gaar ahaan takhasuska (Civil Engineering) ee Jaamacadda SIU ay tababbarro kuqaataan qalabka (labs-ka) loogu talaggalay dhismaha guryaha iyo waddooyinka ee machadka.
Dhinaca Jaamacadda SIU heshiiskan waxaa u saxiixay Guddoomiyaha Jaamacadda Mudane Maxamed Yuusuf Sheekh Cumar iyo Hormuudka Kulliyadda Injinneeriyada Eng. Maxamed Khaliif Cali oo dhinac ah, halka Machadaka Xayle Bariise ay u saxiixeen madaxa machadka Cabdiraxiin Xayle Cabdi iyo Maxamed Cabdiraxiin Cabdi oo ah madaxa howlaha (Operations) ee machadka.
Agaasimaha Waaxda Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare XFS Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa aad usoo dhoweeyay heshiiska asaga oo Jaamacadda iyo Machadkaba ku ammaanay heshiiskan iskaashiga ah ee dhexmaray.
Mid ka mid ah ujeeddooyinka Jaamacadda SIU ayaa ah in xoogga lasaaro sidii ardayda loo bari lahaa xirfadaha baahida looga qabo suuqa shaqada.