Jaamacadda SIU waxaa soo booqday Mudane Badri Xuseen Sandhool, uqeybsanaha Waaxda Waxbarashada iyo Dhaqanka ee safaaradda Soomaaliya ee dalka Malaysia.

Xarunta Maamulka Jaamacadda SIU waxaa maanta soo booqday Mudane Badri Xuseen Sandhool, uqeybsanaha Waaxda Waxbarashada iyo Dhaqanka ee safaaradda Soomaaliya ee dalka Malaysia.
Masuuliyiin katirsan Maamulka Sare ee Jaamacadda ayaa soo dhoweeyey mudanaha, waxayna kawada hadleen habsami-usocodka howlaha waxbarasho ee Jaamacadda iyo xaaladda guud ee ardayda SIU ee kusugan dalka Malaysia.