Kulliyadda Medicine and Surgery ee Jaamacadda SIU ayaa Imtixaanka OSCE-ka ka qaadday ardayda kujirta sannadka 4-aad iyo sannadka 5-aad ee waxbarashada Jaamacadda.

Kulliyadda Daaweynta iyo Qalliimada (Medicine and Surgery) ee Jaamacadda SIU ayaa maanta Imtixaanka OSCE-ka kaga qaadday Isbitaalka Deyniile ardayda kujirta sannadka 4-aad iyo sannadka 5-aad ee waxbarashada Jaamacadda.
Waxaa imtixaanka qaadeysay dhakhaatiir isugu jirta gudaha iyo dibedda Jaamacadda, waxaana maanta ardayda imtixaanka lagaga qaaday qeybta Qalliinka (Surgery).
Imtixaanka maanta ayaa ahaa mid ka duwan kuwii hore sababtoo ah in ardaydu ay si toos ah xaaladda bukaannada kujira isbitaalka ay ula tacaamulayeen, dhakhaatiirtuna ay hubinayeen sida ay u dabbakhayaan culuumti lasoo baray.
Guul ayaan idiin rajeyneynaa.