Kulliyadda Shareecada iyo Qaanuunka ee Jaamacadda SIU ayaa ardaydeeda tababbar u qabatay, shahaadooyinna guddoonsiisay.

Xaruntta Dhexe ee Jaamacadda SIU waxaa maanta ka qabsoomay tababbar loo qabtay ardayda Kulliyadda Shareecada iyo Qaanuunka. Ciwaanka ay ardaydu qaateen ayaa ahaa Habdhiska Maamul ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Howlaheeda.Qodobbadi ugu muhiimsanaa ee tababbarka waxaa ka mid aha:1. Habdhiska maamul ee wasaaradaha iyo howlahooda2. Kala madaxbannaanida laamaha Sharcidejinta, Fulinta iyo Garsoorka iyo3. Qeexidda Guddiyada Qaran ee madaxa bannaan iyo howlaha ay qabtaan.Waxaa tababbarka bixinayey Abuukaate Abuubakar Sheekh Maxamuud Rooble oo ah khabiir dhinaca sharciga, kana mid ah barayaasha Jaamacadda SIU, waxaana sidoo kale goobta kusugnaa maamulka kulliyadda iyo macallimiin.