Magaalada Garoowe ee caasimadda Maamulka Puntland waxaa gaaray wafdi kasocda Jaamacadda SIU.

Magaalada Garoowe ee caasimadda Maamulka Puntland waxaa gaaray wafdi kasocda Jaamacadda SIU.
Ustaad Axmed Sheekh Cali Axmed (Saabbir) iyo Dr. Cabdifataax Maxamed Axmed (Ceynte) oo kasocda Jaamacadda SIU ayaa ka qeybgelaya Shirki Koowaad ee Cilmibaarista Caafimaadka oo uu soo agaasimay Machadka Caafimaadka Qaranka oo kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS.
Ustaad Saabbir ayaa berri oo Isniin ah shirka kasoojeedin doona daraasad kusaabsan AQOONTA HOWLWADEENNADA CAAFIMAADKU AY U LEEYIHIIN KAHORTAGGA CUDURKA CAGAARSHOWGA.