Munaasabad isugu jirtay xilwareejin iyo caleemasaarka hoggaanka Midowga Ardayda Jaamacadda SIU ayaa maanta ka qabsoontay Xarunta Dhexe ee Jaamacadda.

Munaasabad isugu jirtay xilwareejin iyo caleemasaarka hoggaanka Midowga Ardayda Jaamacadda SIU ayaa maanta ka qabsoontay Xarunta Dhexe ee Jaamacadda.Intii ay munaasabaddu socotay waxaa sidoo kale shahaadooyin la guddoonsiiyay xubnihi hore ee hoggaanka Midowga Ardayda oo maanta xilka wareejiyay.Waxaa munaasabadda goobjoog ahaa kusimaha xafiiska guddoomiyaha ahna guddoomiyakuxigeenka waaxda cilmibaarista iyo horumarinta mudane Shaafici Diiriye Cabdi iyo masuuliyiin kale.