Munaasabad Kooban Oo Sagootin Ah Oo Loo Sameeyay Shan IyoToban Arday Oo Ka Mid Ah Kulliyadda Daaweynta iyo Qalliinka (Medicine & Surgery)

Waxaa maanta munaasabad kooban oo sagootin ah loo sameeyay shan iyo toban arday oo ka mid ah kulliyadda Daaweynta iyo Qalliinka (Medicine & Surgery) oo safar waxbarasho isdhaafsi ah u aaday Jaamacadda Mbarara University of Sciences & Technology ee dalka Uganda.
Guddoonka Jaamacadda oo uu horkacayo guddoomiye Maxamed Yuusuf Sheekh Cumar ayaa hadallo dardaaran ah u jeediyay ardayda baxday maanta.
Sidoo kale, waxaa dardaaranka qayb ka ahaa Prof. Cabdiraxmaan Xaaji Aadan (Ibbi) oo ardayda ku dhiirriggeliyay inay ka faa’iidaystaan fursadda waxbarasho isdhaafisga ah.
Jaamacadda SIU ayaa barmaajika waxbarasho isdhaafsiga ah (Academic Exchange Program) la billowday jaamacadaha Nairobi, Kenyatta, Makerere iyo Mbrarara sannadkii 2014.
Barnaamijkan ayaa waxaa ka faa’idaysta ardayda Jaamacadda SIU oo cilmi baaris, casharro waxbarasho iyo khibrad kasoo qaata jaamacadahaas.