Munaasabadda soo bandhigista daraasadihii laga sameeyay shirki labaad ee cilmibaarista ee jaamacadda SIU ay qabatay June 2021.

Waxaa si nabad ah noogusoo idlaaday barnaamijki ay galabta Jaamacadda SIU qabatay ee kusaabsanaa soobandhigista buug lagusoo aruuriyey daraasadihi lagusoo bandhigay shirki labaad ee cilmibaarista ee bishi June 2021 ay jaamacaddu qabatay.Waxaa munaasabadda goobjoog ahaa martisharaf heerar kala duwan ah, maamulka iyo guud ahaan bahda SIU.Masuuliyiinti goobta kahadashay ayaa dhammaantoodba hoosta ka xarriiqay in ay muhiim tahay in awoodda lasaaro cilmibaarista si culeysyo badan oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed heysta xal loogu helo.Jaamacadda SIU waxay u mahadcelineysaa dhammaan martisharafti soo xaadirtay munaasabadda, una soo hurtay waqtiga qaaliga ah.