SALWO CABDICASIIS OO ABAALMARIN LA GUDDOONSIIYAY.

Salwo Cabdicasiis oo ka mid ah ardayda dhigata Jaamacadda SIU ayaa heshay abaalmarin isugu jirta in laga bixiyo dhammaan lacagta Jaamacadda iyo Computer labtop ah.
Salwo ayaa abaalmarinta kaheshay Abshir Aadan Feero oo ah Musharax Madaxweyne.
Abaalmarinta ayaa timid kaddib markii ay Salwo gaari dadweyne (PL) dhexdiisa kaheshay Telephone Iphone 12 Pro ah kaddibna ay ku raadisay qofkii iska lahaa ayada oo baraha bulshada baafintiisa dhigtay.
Ammaanada iyo shaqsiyadda fiican ee ay Salwo samaysay ayaa soo jiitay dad badan oo Soomaaliyeed kaddib markii warbixinta arrinta kusaabsan laga sii daayay muuqaalbaahiyaha Somali Cable.
Jaamacadda SIU waxa ay bogaadinaysaa tusaalaha fiican ee ay Salwo muujisay, dhammaan ardayda iyo dhallinyarada Soomaaliyeedna waxay ku boorrinaysaa in ammaanada ay ilaaliyaan.