Soodhowayn Heersare Ah OO Loo Sameeyay Ardayda Jaamacadda SIU Kusoo Biirtay Sannad Waxbarasheedka 2021-2022

Soodhowaynta ardayda cusub ayaa waxaa kasoo qaybgalay maamulka sare ee Jaamacadda, hormuudyada kasmooyinka kala duwan ee Jaamacadda, midowga ardayda iyo marti Sharaf ay ka midyihiin waaliddiin.
Waxaa ardayda cusub lala wadaagay macluumaad kusaabsan siyaasadaha Jaamacadda ee waxbarashada iyo weliba in ay bartaan hormuudyada madaxda ka ah kasmooyinka kala duwan ee ay jaamacadda ka doorteen.
Sidoo kale, waxaa hadallo kala duwan kasoo jeediyay munaasabadda maamulka jaamacadda qaybihiisa kala duwan oo ardayda u rajeeyay in ay guul kaggaaraan mustaqbalkooda waxbarasho.