Tababbar Loo qabtay Ardayda Kulliyadda Injinneeriyada iyo Culuumta Tiknolojiyada

Ardayda Kulliyadda Injinneeriyada iyo Culuumta Tiknolojiyada gaar ahaan Waaxda Computer Sciences ayuu tababbar uga furmay Xarunta Dhexe Jaamacadda SIU.Tababbarkan oo ah mid sare loogu qaadayo xirfadda ardayda ee dhanka programming-ka kuna saabsan Java SE 8 Fundamentals waxaa bixinayey Eng. Maxamed Cabdinuur, waxaana googjoog ahaa maamulka kulliyadda.