Waxaa si nabad ah Jaamacadda Mbarara University of Sciences and Technology ku gaaray ardaydii kulliyadda Qalliinka iyo Daawaynta ee sannadkan u baxday waxbarasho iswaydaarsiga (Academic Exchange Program).

Waxaa si nabad ah Jaamacadda Mbarara University of Sciences and Technology ee dalka Uganda ku gaaray ardaydii kulliyadda Qalliinka iyo Daawaynta ee sannadkan u baxday waxbarasho iswaydaarsiga (Academic Exchange Program).
Waxaa ardayda soodhowayn u sameeyay hormuudka kulliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Mbarara.
Ardayda ayaa waxay si toos ah u billaabayaan waxbarashadii ay u tageen.
Barnaamijka waxbarasho isdhaafsiga (Academic Exchange Program) oo ay jaamacadda SIU la billowday jaamacadaha Nairobi, Makarere, Mbarara Iyo kuwo kale ayaa wuxuu socdaa illaa sannadkii 2014.
Ardayda barnaamijkan ka faa’iidaysatay ayaa ammaan usoo jeediyay ayagoo xirfado, cilmi iyo kalsooni dheeri ah lasoo laabta.