Waxaa si nabad ah noogu soo idlaatay madal (forum) ay Jaamacadda SIU ku qabatay magaalada Muqdisho.

Waxaa si nabad ah noogu soo idlaatay madal (forum) ay Jaamacadda SIU galabta ku qabatay magaalada Muqdisho.
Madashan oo ah mid sannadle ah ayaa hadba waxaa diiradda lagu saaraa xaaladaha markaas dalka kajira, waxaana sannadkan looga hadlay xaaladda ABAARAHA.
Waxaa marti ku ahaa aqoonyahan ku xeeldheer culuumta beeraha iyo deegaanka oo kala ah:

  1. Prof. Cabdi Axmed Maxamed (Baafo)
  2. Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Ducaale iyo
  3. Dr. Cabdikariin Xirsi.
    Waxaa barnaamijka goobjoog ahaa soona xiray agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS mudane Nuur Yuusuf Nuur. Waxaa sidoo kale madasha kusugnaa madaxda Jaamacadda, macallimiin, arday iyo marti sharaf kale oo kasocotay qeybaha bulshada.