WAXAA SOO GABAGGABOOBAY TODDOBAADKA DHAQANKA

WAXAA SOO GABAGGABOOBAY TODDOBAADKA DHAQANKA EE JAAMACADDA SIU 2020.

Toddobaadka Dhaqanka ee Jaamacadda SIU waa mid sannadle ah, waxaana dhaqanki Soomaaliyeed kusoo bandhigta ardayda kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda.

Sannadkan 2020 waxaa Toddobaadka Dhaqanka ka qeybgalay afar kulliyadood oo kala ah

  1. Kulliyadda Siyaasadda iyo Culuumta Bulshada
  2. Kulliyadda Ganacsiga iyo Dhaqaalaha
  3. Kulliyadda Waxbarashada iyo
  4. Kulliyadda Culuuumta Caafimaadka.

Ardayda kulliyadaha aynu kor kusoo xusnay waxay soo bandhigeen dhaqanki soo jireenka ahaa ee Soomaaliyeed iyo sidi uu ahaa habnololeedki Ummadda Soomaaliyeed qarniyadi tegay.

Waxaa barnaamijka dhanka garsoorka kaalin mug leh ka qaatay Golaha Abwaannada Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Golaha Abwaannada Soomaaliyeed ABWAAN XIRSI-DHUUX MAXAMED WEHELIYE, waxaana sidoo kale garsoorka qeyb ka ahaa 1. ABWAAN CABDIKARIIN SHIRE SANDHEERE 2. ABWAAN BARRE MAXAMED FIIDOW IYO 4. ABWAAN KHALIIF AXMED CILMI. Maamulka Jaamacadduna aad ayuu ugu mahadcelinayaa Golaha Abwaannada Soomaaliyeed iyo kaalinta libaax ee barnaamijka ay ka qaateen.

Toddobaadka Dhaqanka ee Jaamacadda SIU 2020 waxaa kasoo qeybgashay martisharaf ka kala socotay qeybaha bulshada, madaxda Jaamacadda iyo sidoo kale labada guddoomiye ee degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag Mudane Cabdixakiin Dhagajuun iyo Mudane Mustaf Cali Kheyrre.

Gabaggabadi munaasabadda Toddobaadka Dhaqanka waxaa natiijada ku dhawaaqay Guddiga Garsoorka ee kasocday Golaha Abwaannada Soomaaliyeed, waxayna kulliyaduhu kaalmaha u kala galeen sida soo socota:

  1. Kaalinta Koowaad waxaa ku guuleysatay Kulliyadda Culuumta Caafimaadka
  2. Kaalinta labaad waxaa ku guuleysatay Kulliyadda Siyaasadda iyo Culuumta Bulshada
  3. Kaalinta saddexaadna waxaa ku guuleysatay Kulliyadda Ganacsiga iyo Dhaqaalaha.

Dhammaan kulliyadaha kaalmaha ku guuleystay iyo ardaydi ugu bandhigga wanaagsaneyd inti uu barnaamijku socday waxaa la guddoonsiiyey abaalmarinno maaliyadeed oo ay Jaamacaddu ugu talaggashay.

Barnaamijka Toddobaadka Dhaqanka sannadkan 2020 wuxuu noogu soo idlaaday jawi nabadeed, waxaana ku mahadsan Allah (SW).