Xafiiska Arrimaha Ardayda Jaamacadda SIU oo tababbar u qabtay Hoggaanka Midowga Ardayda Jaamacadda.

Xarunta Maamulka Jaamacadda SIU waxaa maanta ka qabsoomay tababbar loo qabtay Hoggaanka Midowga Ardayda Jaamacadda oo uusoo agaasimay Xafiiska Arrimaha Ardayda.Qeybta koowaad waxaa casharkaa soojeediyay ustaad Axmed Sheekh Cali Axmed (Saabbir) oo bixinayay Maareynta Waqtiga. Qeybta labaad waxaa casharka bixinayay ustaad Axmed Cali Maxamuud (Gacal) oo soojeediyay Xirfadaha Hoggaaminta, waxaana goobjoog ahaa maamulka Xafiiska Arrimaha Ardayda iyo masuuliyiin kale.