Xarunta Dhexe ee Jaamacadda SIU waxaa ka dhacday munaasabad lagu ..

Maanta oo Isniin ah 28/09/2020 Xarunta Dhexe ee Jaamacadda SIU waxaa ka dhacday munaasabad lagu soo dhoweynayey ardayda cusub ee Jaamacadda kusoo biirtay Sannad Waxbarasheedka 2020 – 2021.

Waxaa munaasabadda goobjoog ahaa hadallo qiimo badanna kasoo jeediyey masuuliyiin kala duwan oo ka mid ah Maamulka Jaamacadda, waxasna soo xiray Ustaad Maxamed Yuusuf Sheekh Cumar oo ah Guddoomiyekuxigeenka dhanka Waxbarashada iyo Arrimaha Ardayda.