Xarunta Maamulka Jaamacadda SIU waxaa ka qabsoomay shirka billaha ah ee Golaha Waxbarashada (Monthly Academic Council Meeting).

Shirkan oo uu guddoominayey Guddoomiyakuxigeenka Golaha Fulinta ee Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Suheyb Cilmi Dhuxulow, ayna goobjoog ahaayeen qeybaha kala duwan ee Maamulka Jaamacadda ayaa diiradda lagu saaray howlaha waxbarasho ee Jaamacadda sida semester-ka cusub howlihiisa iyo sidoo kale xafiisyo laga dhageystay warbixinno.