Xafiiska Waxbarashada Jaamacadda SIU ayaa soo agaasimay..

Xafiiska Waxbarashada Jaamacadda SIU ayaa soo agaasimay munaasabad lagusoo gunaanadayay hurumarin lagu sameeyay Manhajka Jaamacadda oo howshiisu muddo socotay.

Dr. Saciid Abuubakar Sheekh Axmed oo takhasuskiisu yahay dhanka manaahijta ayaa garwadeen ka ahaa howshan, waxaana shaqadan qeyb weyn kasoo qaatay qaar kammid ah barayaasha Jaamacadda.

Gabaggabadi munaasabadda waxaa hadlay qaar kammid ah Maamulka Golaha Sare iyo Golaha Fulinta ee Jaamacadda SIU, waxayna bogaadiyeen shaqada wanaagsan ee laga qabtay horumarinta Manhajka Jaamacadda iyo dadaalka uu sameeyay Xafiiska Waxbarashada ee Jaamacadda oo kaashanaya macallimiin loo xulay in ay arrintaasi kasoo shaqeeyaan, waxaana ugu dambeynti shahaadooyin laguddoonsiiyay macallimiinti shaqadaas doorka muuqda kasoo qaadatay.